Soomaaliya oo ka gudubtey wajiga 2-aad ee Hanaanka deyn cafinta (Warbixin)

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta aduunka (IMF) ayay ku sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay dib u eegista labaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhigan ka gudbida wajiga afaraad ee Barnaamijka.

Soomaaliya oo ka gudubtey qeyb kamid ah Hanaanka deyn cafintaWaxaa ay madaxda Soomaaliya ku amaantay sida ay xoogga u saarayaan dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqliga qaranka.

Halkaan Riix si aad u akhrisato Warbixinta Hay’adda IMF.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlaya warbixinta caawa ay soo saartay IMF yiri “Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya”

“Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yirri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr mar waxaa ay ku cel celisay inay xooga saari doonto dib u habeynta hanaanka maaliyadeed si Soomaaliya ay u gaarto in laga cafiyo deynta uu Adduunka ku leeyahay.