Tirada dadka u geeriyooday cudurka ka dilaacay shiinaha oo kordhay (VIDEO)

Mas’uuliyiinta dalka Shiinaha ayaa sheegay in dad gaaraya 106 qof ay u dhinteen caabuqa corona, halka afar kun oo kalena uu haleelay xanuunka.

Dadka cudurka u dhintay ayaa waxaa kamid ah dhakhaatiir ku hawlanaa daweynta iyo kahortagga cudurka, waxaana dowladda ay sheegtay in nus milyan shaqaale caafimaad ah ay ka qeyb qaadanayaan dedaalada ku aadan caabuqa corona.

Dowladda Shiinaha ayaa sii xoojisay xayiraad dhanka socdaalka, si looga hortago faafidda cudurka.

Magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay caabuqan ayaa haatan go’donsan, waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaaladaas.

Waxaa sidoo kale sare u kacay dadka ku nool dalalka kale ee caalamka ee uu haleelay caabuqan, oo waxaa kiisas cusub laga soo sheegay dalalka Singapore iyo Jarmalka.

Guud ahaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka Shiinaha, waxaa la hakiyay gaadiidka dadweynaha, waxaana cudurkan uu dilaacay xilli dalka Shiinaha looga diyaar garoobayay dabaaldegga sanadka cusub, xilliyadaas oo dad badan ay aad u safraan.