Wararkii ugu danbeeyay Wasiir Janan

Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegay in kulankii Yamamoto,Deni iyo Axmed Madoobe ee Nayrobi lagu go”aamiyay sii daynta Wasiir Janan.

Yamamoto waxuu ka codsaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in ay aqbalaan wada hadal dhexmara iyaga iyo Dowlada Fadaraalka,kaasoo ka dhaca Muqdisho.

Madaxweynayaasha oo aqbalay codsiga Maraykanka,ayaa ku xiray shuruud ay ka mid ahayd sii daynta Wasiirka Amniga Jubaland.

Dowlada Fadaraalka oo fulinaysa shuruudaas,ayaa si daysay Wasiir Janan,isla markaana beelaha Raxan weyn ee uu ka xiran yahay Rooboow si aysan ukicin,ayay ku sheegtay sii dayntiisa baxsad.

Dad badan waxay u arkaan isticmaalka erayga baxsad in uu ceeb ku yahay Dowladnimada Somaliya.