Wasiir Dhabancad “Cadawtinimo ka daran ma jirto in DFS la dagaalanto Carruurta Puntland” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda Federaalka ay dhexda u soo xiratay burburinta nolashooda Waxbarasho ee Ardayda Reer Puntland.

Wasiir Dhabancad oo ka hadlayay magaalada Boosaaso oo uu ka daah-furay kulanka Guud ee sanadlaha ururka Dowladaha Hoose Ee Puntland (ALGAPL), ayaa sheegay in cadaawad ka weyn aysan jirin in lala dagaalamo mustaqbalka carruurta Puntland, iyadoo la siyaasadeynayo Waxbarashada, si khaldana awooda Dowladda ay u adeegsanayaan shaqsiyaad gaar ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ugu baaqay Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland inay xoojiyaan shaqada ay u hayaan Bulshada, iyagoo raacaya Dastuurka iyo siyaasadaha Dowladda Puntland.