Wasiir Janan, Ma baxsaday ? Mise waa la sii daayay ? (XOG)

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Cabdinuur Xasan (Janan), ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay ku haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay barteeda Twitter-ka ku shaacisay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.

Taliye Zakiya ayaa intaas ku dartay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan, inkastoo aysan shaacin halka uu ku xirnaa.

Hadaba, Maxaan kala soconaa baxsashada Mr. Janan ?

Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay Wasiir Janan oo u xirnaa Dowladda Soomaaliya, illaa 31-keedii bishii Ogosto ee sannadkii tagay “2019”, goobta uu ka baxsaday la keenay 5 maalmood kahor.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus.

Sidoo kale, Xogo ay heshay Shabakadda ayaa lagu ogaaday in Ciidamo cusub lagu wareejiyay ilaalada goobta la keenay, waxaana sawirro ay baahisay Dowladda lagu muujiyay in Mr. Janan uu ka baxay daaqad Guriga lagu hayay oo ka sameynayd shabaq ah.

Warar kala duwan ayaa kazoo baxaya baxsashada Wasiir Janan ee ay shaacisay Dowladda Soomaaliya, iyadoona xogaha qaarkood oo iska hor imaanaya ay kala tibaaxayaan *in Dowladdu ay ku sii deysay Janan heshuus, halka mid kale ay sheegayso *in sirdoonka Jubbaland ay la baxeen.

Xarigga Dowladda Soomaaliya ay u geysatay Mr. Janan ayaa waxaa hore u soo dhoweeysey hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, taas oo abuurtay tuhun ah, in Dowladdu iyada oo ka cabsanaysa in dhaleeceyn ay kulanto Hay’adan loo ekeysiiyay sii deyntiisa baxsad.