Xil Fiqi: Ma dhici kartaa in warkaan baxsashada Janan loogu marmarsoonayo in la khaarajiyo ?

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabkaayaa Saddex Su’aalood ka keeney Warka kasoo yeeray Booliska Soomaaliya ee ahaa in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rahiid Xasan Cabdi Nuur(janan).

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu ku heegay in markii hore dowladda soo afduubatey Wasiirka,sidoo kalena aan la ogeyn halka uu ku xirnaa,waxaana uu shaki geliyey in uu nool yahay Cabdi Rahiid Janan.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?

2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo
Afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

3. Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, Wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!