Akhriso: Musharixiinta Galmudug oo dalbaday in dib loo dhigo Doorashooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo

Afarta Musharax oo kala ah C/raxman Odawaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen ku dalbaday in muddo 15 Cisho ah la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo  Galgaduud.

Musharixiinta ayaa Qoraalkooda ku sheegay in saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka Siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug si loo dhiso Galmudug mideysan.

Ugu dambeyntii, Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ku baaqay in la tixgeliyo codsiyada saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, iyaga oo baaq u direy Madaxda Dowladda Soomaaliya.