Al-Shabaab oo beenisay war kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM

Al-Shabaab ayaa Sheegtay duqeyn 48 Saac ka hor ka dhacday deegaanka Hoombooy oo qiyaastii 18Km dhanka Bariga uga beegan Jilib in lagu dilay nin beeralay ah xilli uu salaadda Casar ku tukanayay gudaha beertiisa oo ku taal Duleedka Jilib.

Warka Kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay ninka la dilay sido kale inuu kasoo jeedo qoys caan ka ah gobalka oo ku caan baxay Beerashada.

Al Shabaab ayaa sido kale ku sheegtay Magaca ninka la dilay in lagu magacaabi jiray Siidi Max’med Macallim oo 22 sana jir ahaa.

“Diyaarad Drone ah ayaa gantaal laheshay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi jiray Siidi Max’med Macallim oo 22 sana jir ahaa, wuxuu kasoo jeeda qoys caan ku ah tacabka beeraha” ayey tiri Al Shabaab.

Warka Al Shabaab ayaa kusoo beegmay xili sacado ka hor dowladda Mareykanka sheegtay Xubin sare oo katirsanaa Al Shabaab in lagu dilay Duqeyn ka dhacday Magaalada Jilib ol Sanado ay Maamulaan.