Donald Trump oo soo bandhigay qorshihiisa Nabadda ee Bariga dhexe (VIDEO)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii Aqalka Cad kusoo bandhigay qorshaha nabadda ee Bariga Dhexe oo isagu u bixiyey Heshiiskii Qarniga.

Markii uu qorshahaan soo bandhigayey waxaa Trump weheliyey Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu.

Qaar kamid ah wadamada Carbeed,sida Sacuudiga iyo Masar ayaa soo dhaweeyey qorshaha,iyaga oo sheegay in Nabada Bariga Dhexe ay hagaageyso hadii la saldhigo tan Falastiin.