Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase oo Xamar ku wajahan

Beri waxay xogi igu soo gaartay in Isimo ay hogaaminayaan Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ay ka degi doonaan Muqdisho hadaan cadaadiska lagu hayo uusan baajin.

Ujeedka socdaalka Isimada waxaa laygu sheegay in uu daaran yahay dhaqaale uhelida Magtii beelaha Bah-Ararsame iyo Qayaad ee Dhulbahante,kuwaasoo dhexdhexaadintoodii iyo masuuliyada bixinta Xoolaha ay dhabarka uriteen Islaan Ciise iyo Garaad Kulmiye.

Sida xogtu sheegayso Khayre oo ay Isimadu la xiriireen,waa soo dhaweeyay dalabka Isimada ee ah in Dowlada Fadaraalku qayb ka qaadato Magtaas.

Khayre waxuu u arkaa imaanshaha Isimada qorshe uu kula dagaalami karo Deni kuna gaari karo hamigiisa ah Madaxweyne Somaliya.

Madaxweyne Deni ayay dhabar jab ku tahay tagida isimadaas ee Xamar mana ahan wax la filayay xiligan xasaasiga ah.

Qorshahan waxaa isku xiray,isla markaana hor kacaya Isimada Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Puntland oo xiriirka ujartay Xamar in ay ubaqoolaan Isimadeedii mahan wax loo fadhiyay xiligan waliba,iyagoo arin dhaqaale ka duulaya.

Isha waxaa lagu hayn doonaa jawaabta Deni iyo Xukuumadiisa ay ka bixin doonaan hadii Isimadan tagaan Xamar.