LIVE u Daawo: Xildhibaan Jawaari oo caawa marti ku ah Madasha 9-aad ee PDRCTalks

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, ayaa caawa marti ku ah Madasha 9-aad ee PDRCTalks, oo ka socota Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Madasha 9-aad ee PDRCTalks, ayaa waxaa looga hadlayaa “Ka gaabinta Dhammaystirka Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2020-2021”, iyadoona inta ay socoto madashu lagu weydiin doono Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, su’aalo la xariira mowduucan.