Muqdisho: Askari dilay wiil saaxiibkiis ah

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari katirsan ciidamada Dowladda oo xaafadda Kaawo Godey dhinaca dharkeenley ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo Saaxibo ay ahaayeen Askariga dilka xalay geystay.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay inuu isku duubay Marxuumka la dilay Askariga oo Saaxibo ay ahayeen, balse askariga oo shakiyay oo aan hubsan cida isku duubtay inuu Xabado la dhacay.

“Isaga oo banaanka ka yimid wiilka la dilay ayuu soo galay meel laga buuxo, si kalsooni leh ayuu Saaxibkii oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda isugu duubay, Askariga wax dilay oo aan hubsan ayaa la soo baxay bastoolad, waxana uu sidaas ku dilay qofkii gadaal ka taagnaa, isaga oo aan eegin cidda ay tahay, wuxuuna ahaa Saaxibkiis” ayuu yiri Goobjooge.

Waa dhacdo yaab leh maadaama kaftankii ama isku duubkii Marxuumka uu isku duubay Askari oo Saaxibo dhaw ay ahaayeen uu dhalay inuu dhinto Wiilka oo la sheegay inuu Mehrad ku lahaa degmada Dharkeenley.