Senator Faroole oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka, kana hadlay muranka Waxbarashada (Shir Jaraa’id)

Madaxwynihii hore Dowladda Puntland, kana mid ah Senatorada Golaha Aqalka sare ee BJFS Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole),  oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay khilaafka Waxbarasho ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senator Faroole ayaa eedeyn kulul u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka, isagoona sheegay inuu ku xadgudbay Dastuurka iyo shuruucda Dalka.

Sidoo kale, Senator Faroole ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku howlahan tahay furfurka Waxbarashada Puntland, isagoona tusaale u soo qaatay Agaasimihii hore ee waaxda Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Saahid, kaas oo dhowaan is-casilay, kaddib markii ay Dowladda Federaalka u yeertay, kana dhigtay La-taliye.

“Maaha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay furfurto waxbarashada Puntland, hadba sarkaal inay qaadato sax maaha, hadda Agaasimihii imtixaanaadka waa la dafay oo la-taliye ayaa laga dhigtay” ayuu yiri Senator C/rixmaan Faroole.

Ugu dambeyntii, Senator C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay Wasaaradaha Waxbarashada Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ku dhaqanka Dastuurka KMG ah ee Dalka, isagoona sheegay in Dowladda Puntland ay xaq u leedahay arrimaheeda waxbarasho.