VIDEO: Dowladda oo diyaarineysa Guddiga dib u qorista liiska sharciyada dalka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 janaayo, 2020 daah furay xaflad furitaanka guddiga diyaarinta, uruurunta iyo dib-uqorista liiska sharciyada dalka (160-2020).

Guddigaan ayaa waxaa dikreeto heer Wasiir ah ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee XFS, Abuukaate Xassan. Guddiga ayaa waxaa u xilsaaran ururinta iyo keydinta sharciyada dalka oo dhan laga soo bilaabo, waqtigii maxmiyadda 1956 ilaa iyo manta oo ah sanadka 2020.

Guddigan ayaa wuxuu muhiimad weyn ugu fadhiyaa gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa iyo dhammaan daneeyayaasha sharciyada Soomaliya.

Hawlaha guddigan loo xilsaaray ayaa ah in sharciyada dalka loo sameeyo lambar taxane ah, xiliga ay soo baxeen iyo isbedellada lagu soo sameeyey tan iyo inta ay soo jireen sharciyada laguna soo bandhigo si digitalize online ah si dal iyo dibadba qofkii joogo u heli karo.