VIDEO: Maxkamadaha Puntland oo amray in la toogto dadka ka ganacsada Maandooriyaha

Laamaha ammaanka Puntland oo fagaare ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ku gubey in kabadan 18,000 oo dhalooyin khamri ah, 30-madax oo xashiish ah iyo maandooriyayaal kale, kuwaas oo lagu qabtay degmooyinka Garoowe, Burtinle iyo Dangoranyo ee Gobalka Nugaal.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal Muumin Cabdi shire, oo ka hadlayay madasha maandooriyahan lagu gubayay ayaa sheegay in Maxkamadaha Dowladda Puntland ay go,aamiyeen in Ciidanku toogtaan cidii lagu qabto iyadoo ka ganacsanaysa maandooriyayaasha.