VIDEO: Puntland oo fagaare ku gubtay 18,300 oo dhalo oo khamri ah

Laamaha ammaanka Dowladda Puntland ayaa maanta fagaare ku yaalla duleedka bari Magaalada Garoowe, ku gubay maanta Maandooriye iskugu jira khamri iyo xashiis oo gaaraya 18,300 oo dhalo oo khamri ah, 30 madax oo xashiish ah, Afar jeerigaan oo maandooriyaha la macmilo ah , Iyo Laba Haamood oo khamriya.

Maandooriyahan Khamriga oo noqonaya Tiradii ugu badnayd abid lagu qabto, waxaana Ciidanka amniga Dowladda Puntland ay kasoo qabteen maandooriyahan Degmooyinka Garoowe, Burtinle iyo Dangoranyo ee Gobalka Nugaal .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal Muumin Cabdi shire, oo ka hadlayay madasha maandooriyahan lagu gubayay ayaa sheegay in Maxkamadaha Dowladda Puntland ay go,aamiyeen in Ciidanku toogtaan cidii lagu qabto iyadoo ka ganacsanaysa maandooriyayaasha.