WAR DEG DEG AH: Xildhibaano kasoo jeeda Gobalka Gedo oo loo diiday inay ka duulaan Muqdisho & Amar cusub

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay joojisay dhamaan dulimaadyadii diyaaradaha ee degaanada Gobalka Gedo.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda Gobalka Gedo, ayaa saaka loo diiday inay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan cadde, kaddib markii amar deg deg ah uu kasoo baxay laamaha ammaanka, intii ay ku sugnaayeen Garoonka diyaaradaha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dowladda Federaalka ay u joojisay duulimaadyada diyaaradaha ee degaanada Gobalka Gedo, sababo la xiriira baarista Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo Talaadadii ka baxsaday xabsi ay ku heysatay Dowladdu.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.