Wasiir Goodax Barre Afkiisu iyo dhagahiisu isma maqlaan miyaa ?!! W/Q: Wasiir Ashkir

Wasiir Goodax Barre Afkiisu iyo dhagahiisu isma maqlaan miyaa?!!
Waxaa qoray Wasiir Ashkir Nuur

Sawirka lifaaqa qoraalkaygan la socda, waxaan galnay 26-kii bishii January 2019, goobtuna waa: Garoowe, sawirkana waxaa igu waheliya wasiirro saaxiibaday ah oo dowlad-goboleedka Jubba Land ka tirsan, iyo Wasiir Goodax Barre iyo -Alle ha u naxariistee- Wasiir Cabdirixmaan Xoosh Jibriil Wasiirkii Dastuurka Dowladda Federalka Soomaaliyeed, munaasabadda na kulmisayna waxay ahayd: Caleemo-saarkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxan weli xasuustayda ka bixin hadalladii uu wasiir Goodax Barre ku lahaa madaxdii Dowladaha xubinta ka ah dowladda Federalka ee aan booqannay, Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Waarre iyo Madaxweyne Lafta Gareen ayay ahaayeen kuwaan sida gaarka ah u wada booqannay -aniga iyo wafdiga sawirka igula jiraba oo gaarigayga gaarka ah ila saarnaa- wuxuu dhammaantood ku lahaa: Puntland waxay mudantahay in ay Soomaaliya hormuud ugu noqoto dhinaca waxbarashada.


Si isla mid ah ayuuna madaxdaas aan booqannay ugu sheegayay in uu indhihiisa ku arkay waxbarasho tayeeysan dhinacyada: Manhajka waxbarasho, tababbarka macalimiinta, madbacad u gaar ah wasaaradda, iskuullo iyo kuwa kaloo farsamada ardeyda lagu baro soo arkay, wuxuu hadalkiisa ku darayay “Puntland meeshay waxbarashada ka gaartay Soomaaliya inteeda kale waxay u baahantahay sannado in ay soo gaarto.”
Haddaba, Mudane Wasiir Goodax, tollow maalintaas ma xasuusataa?!Hadalkaagii ammaanta huwanaa ee dhinac horumarka waxbarashada Puntland, maanta maxaa is baddelay?! Mudane Wasiir adiguba isweeydiiyoo ma sinnaan karaan dowlad muddo ku hawlanayd in ay dhisto waxbarasho tayo leh iyo kuwa kaloo aad adigu shalay marqaati u ahayd in imtixaannadeydii fakanayeen? manhaj iyo guuddi dhaxoo hawlaha manaahijta ka shaqeeyana dalka kama jiro, Miyaanay kula habbonayn in waxbarashada aan la siyaasadeen! oo gobol waliba ka shaqeyso in ay waxbarashadooda horumariyaan, qodobada ay dowladda dhexe sida gaarka ah u maamulayaan way ku caddahay distuurka Federalka ah waxbarashaduna kuma jirin qodobbadaas, dowladda dhexena waxaa la gudboon in ay ka caawiso dobollada wixii ay awooddo? nabadgalyo ahaanse imtixaan mideysan miyuu ka hirgali karaa dalka?
Ugu dambeyntiina, Afkaagu iyo dhagahaagu isma maqlaan miyaa mudane wasiir?!!