CC Sharmaake, Gaas, Deni, Madoobe iyo siyaasiyiin kale oo kulamay (Sawirro)

Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya ee kasoo hor-jeeda hab-dhaqanka Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Saamileydan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, Ra’iisulwasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas, ayaa caawa kasoo muuqday munaasabad lagu qabtay Nairobi.

Ilo-wareedyo ayaa inoo sheegay in siyaasiyiin ay kamid yihiin Cumar C/rashiid & Dr. C/weli Gaas, oo ah musharixiin doorashada 2021-ka, ay hor-kacayaan kulamadan, sidoo kalena ay Nairobi kulamo kula lee yihiin Safiiradda Beesha Caalamka.

Marka la qiimeeyo xaaladda Somaliya & xilliga ka harsan muddada Doorashada 2021, waxaa muuqata In aan laga fursanayn In la abuuro qaab wadashaqayn ku dhisan oo loo dhan yahay si looga faagto khilaaf siyaasadeed oo la xariira Doorashada.

Sida aannu xogta ku helayno, waxaa suuragal ah in la abuuro Madal Wadareed loo dhan yahay oo lagu gaaro doorashada.

Isku soo wada duuboo Natrobi, waxaa ka socda kubad siyaasadeed hadaadan qayb ka ahayn aad noqon doonto kan lagu maqan yahay.

Jibriil Qoobey