VIDEO: Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Talyaaniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankani ayaa inta uu socday wax yaabihii laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dowlada Talyaaniga ay u xoojin laheyd taageerada mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyadoo kulankani ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed sareeya guuto Saadaq Cumar Xasan.

Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi,waxaana uu sheegay in ka dowlad ahaan ay taageero la garab taagan yihin Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay ayaa faah faahiyay waxyaabihii ay kawada hadleen safiirka.