Isimo iyo waxgarad kasoo jeeda degaanada Puntland iyo DDS oo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Isimo iyo odoyaal dhaqaamed ka soo jeeda degaamadda Puntland iyo dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta gaaray magaaladda Muqdisho halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha shacabka BFS, Wasiiro, Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay Isimada Puntuland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Ujeedada safarka Muqdisho ee Isimada dhaqanka oo ay hoggaaminayaan Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Suldaan C/salaam, iyo Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa la xiriirta sidii Madaxda Dowladda Federaalka ay uga heli lahaayeen taageero dhaqaale oo qeyb ka noqota mago fara badan oo la kala siinayo beelo walaalo ah ku dagaalamay Degaanka Dhumay ee Gobalka Sool, oo isimadu horey u dhex-dhigeen heshiis.

Isimada la soo dhaweeyay ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii kala duwaneed ee garoonka kusoo dhaweeysay, iyadoo booqashadaani ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro xoojinta nabadeenta Soomaaliya iyo isku soo dhawaanshaha Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta isimada Muqdisho soo gaaray.

Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee golaha shacabka BFS ayaa ka hadlay talaabadan ay Muqdisho kusoo gaareen isimada Puntuland iyo kuwa Dawlad Deegaanka Soomaalida.