Israel oo dooneysa inay sheegato Daanta Galbeed

Wasiirka difaaca mayalka adag ee Israel ayaa Arbacadii ku baaqay in Israel ay si rasmi ah qeyb ka mid ah dalkeeda ugu sheegato saddex meelood meel ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, ayada oo la waafajinayo qorshaha madaxweynaha Mareykanka uu ku dhowaaqay ee Bariga Dhexe.

Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jaraan gacanta Israel.

Wasiir Naftali Bennett, oo ka mid ah dowladda isbaheysiga ee Netanyahu, balse ka tirsan xisbiyada midigta fog, ayaa amray in la sameeyo koox sharciga iyo madax-banaanida Israel ku dabaqda dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed.

“Xalay taariikh ayaa albaabka noo oo garaacday, waxayna na siisay fursad hal mar la arag ah oo aan dhammaan sharciyada Israel uga hir-gelino Samaria, Judea, Dooxada Jordan, iyo Waqooyiga Badda Dhimatay” ayuu yiri wasiirka difaaca Naftali Bennett.

Falastiiniyiinta ayaa hadalladiisa ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in qorshaha Trump uu Yahuudda u fasaxayo inay si rasmi ah u sheegato Daanta Galbeed, oo ay haysatay tan iyo sanaddii 1967-kii, markaasi oo ay ku qabsatay dagaalkii Carabta iyo Israel.