kaamirooyinkii ku xirnaa waddooyinka Muqdisho oo la qarxiyey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in jugto qaraxyo miino xalay saqdii dhexe laga Wadada Makka Al-Mukarama, iyadoona cabsi ay soo food saartay Shacabka degan xaafadaha ku dhow dhow wadada.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Dad saakay tegay qeybo badan oo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa sheegaya in dhowr kaamirooyin ah la qarxiyey, kuwaas oo gebi ahaan burburey.

Goobaha wadooyinka ah ee lagu xirey Kaamirooyinka ayaa waxaa inta badan Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro ku leh Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, wallow aan la ogeyn sababta keentay in kaamirooyinka qaraxyo lagu xiro lana qarxiyo.

Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin kaamirooyinka la qarxiyey, waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ee wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku xirnaayeen kaamiooyinka la qarxiyey.