Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ? (VIDEO)

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada.

Shirka ayaa looga hadlay Amniga, Shirkii Dib-u-eegista Waxbarashada, Mashaariicda Horumarinta Degmada Qandala iyo Shirkii Degmooyinka ee ka qabsoomay Bosaso.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu ansixiyay Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iibinta Bogcadda Wasaaradda Kaluumaysiga, Istaraatijiyada Wacyigelinta iyo Xeerka Dugsiyada Qur’aanka.