VIDEO: Maxay ka wada-hadleen Sheekh Shariif iyo Wakiilka QM ?

Madaxweynihii hore ee dowaldii KMG aheyd ahna Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheiekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador James Swan ayaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku yeeshay kulan gaar ah.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen Doorashada Galmudug in ay noqoto mid howlaheeda loo wada dhan yahay, Qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay Iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador James Swan ayaa sheegay in dhamaan saamileyda Siyaasadda Somaaliya looga baahn yahay inay kaalin mugleh ka qaataan sidii xal looga gaari lahaa Arrimaah doorashooyinka.