VIDEO: Somaliland oo heegan galisay Shaqaalaha caafimaadka si looga hortago cudurka CORONAVIRUS

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta heegan galisay  hawl-wadeenada caafimaadka iyo dhakhaatiir si looga hor tago cudurka ka dilaacay dalka Shiinaha ee loo yaqaan CORONAVIRUS, taas oo dunida ka cabsi qabto inuu dalal badan gaadho.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa ku dhiirigaliyey shaqaalaha madaarka iyo wasaarada Caafimaadku inay dhisaan goobo lagu hayo dadka ka soo degaya madaarka ee laga baadhayo cudurka si loo xadido hadii cudurkaasi lagu arko dadka rakaabka ah ee la socda diyaaradaha kala duwan ee magaalada imanaya.