VIDEO: Waalidiinta ardayda Puntland oo baaq kasoo saaray xanibaada Wasaarada waxbarashada DFS

Waalidiinta ardayda dugsiyada sare ee Puntland ayaa soo saaray baaq ay uga dalbanayaan  dowladda federalka iyo Dowladda Puntland in aan siyaasad loo adeegsan xaqa carruurtooda u lee yihiin inay helaan shahaadadooda waxbarsho.

Waalidiinta oo Garowe kula hadlay saxaafada ayaa codsaday in si degdeg loogu soo fasaxo ardayda shahaadooyinka ka maqan yihiin, islamarkaana aan mugdi la galin dadaalka ay soo wadeen 12 sannadood oo waxbarasho ah.

In kabadan 5 kun oo arday oo sannadkii hore ka baxday dugsiyada sare ee Puntland ayaa weysan shahaadadii ay tacliinta sare ugu gudbi lahaayeen, wallow qaar kamid ah ay Muqdisho u doonteen kana helay shahaadooyinkoodii.