Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay muhiimada uu lee yahay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa faah-faahin ka bixiyay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, isagoo caddeeyey ahmiyadda uu sharcigani u leeyahay Dalka.

Inj; Cabdullaahi Cali Xasan oo ka hadlayay fadhigii uu shalay yeeshay Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa carabka ku dhuftay in hay’adda tayo-dhowrka ee sharcigani dhisaya ay mas’uul ka noqon doonto ilaalinta tayada waxyaabaha Dalka soo galaaya, waxa la dhoofiyo iyo weli ba waxyaabaha kale ee lagu isticmaalo Dalka gudahiisa.

Wasiirka ayaa xusay in uu sharcigani fududeyn doono dhoofinta ganacsiga oo uu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay wakhtiyaddii hore dhib ku qabeen jiritaan la’aanta hay’addan tayo-dhowrista.

Wasiirka, ayaa Xildhibbaanada Aqalka sare ka codsaday in ay ansaxiyaan sharcigan maadaama uu ahmiyad weyn u lee yahay Qaranka, iyada oo ansaxinta ka dibna loo gudbin doono Madaxweynaha Qaranka Md; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxeexi doona.

Sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, ayaa ah mi ay muddo dheer ka soo shaqeynaysay Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS, waxaana uu soo maray dhammaan marxaladihii iyo latashiyadii loo baahnaa.