Xaaf oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Galmudug

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee garabka Madaxweyne Xaaf, ayaa maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku doortay Guddoomiyaha Baarlamaan iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Xildhibaanada ayaa Xareed Cali Xareed, u doortay Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, sidoo kale xildhibaanada ayaa doortay Guddoomiye ku-xigeenadiisa.

Intaas kaddib, Xildhibaanada Galmudug ee garabka Madaxweyne Xaaf ayaa gudda-galay Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, waxaana u doorteen Shiikh Ibraahim Shiikh Xasan Guureeye.

Madaxweyne Xaaf ayaan isagu galin wax doorasho ah, waxaana madasha loogu aqoonsaday inuu isagu sii ahaado, Madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug.

Doorashooyin iska soo horjeeda ayaa waxaa ay ka kala soconayaan magaalooyinka Dhuusmareeb iyo Gaalkacyo.

Shalay ayay aheyd markii Shiikh Shaakir loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug ee garabka Ahlu-sunna, islamarkaana ay doorteen xildhibaano.

Dhanka kale, Axada soo socota ayaa la filayaa in Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen ay doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya.