Akhriso: QM oo warbixin ka soo saartay dalka lagu sameeyo hubka Xuutiyiinta Yemen

Jabhadda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa haysata hub lamid ah kan ay soo saarto dowladda Iran, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Qaar ka mid ah hubka cusub ee ay fallaagadu heleen 2019 “waxay leeyihiin astaamo farsamo oo la mid ah hubka ay soo saarto Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran”, ayaa lagu yiri warbixinta uu soo uruuriyey guddi khubaro ah oo loo xilsaaray la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Yemen.
Guddiga ma aysan sheegin in hubka si toos ah ay dowlada Iran ugu gacan gelisay Xuutiyiinta, waxayna Iran oo dhowr jeer oo hore beenisay inay hub dirto fallaagadaas.

“Hubka iyo sidoo kale qaybo ganacsi ahaan la heli karo oo ka kooban qaar ka mid ah hubka, ayaa laga yaabaa in ay jabiyeen xayiraaddii” ayaa lagu yiri warbixintan.

Colaadda Yemen waxay ka bilaabatay qabsashadii Sanca ee sanadkii 2014-kii, caasimadda Sanca ee mucaaradka Xuutiyiinta, waxay kaloo gacanta ku dhigeen inta badan waqooyiga wadanka.

Bishii Maarso ee sanadkii 2015-kii, isbahaysi militeri oo uu horkacayay Sacuudiga iyo Imaaraatka oo ay taageerayaan Mareykanka ayaa soo farageliyay sidii loo soo celin lahaa dowladdii caalamku aqoonsanaa ee Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi, oo ay xoog ku saareen fallaagada Xuutiyiinta.