AMISOM oo qayb ciidankeeda kamid ah ka saaraysa Soomaaliya

Taliska ciidamada amni sugidda Midawga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa shaaciyay go’aan uu 1,000 askari oo kamid ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay dalka ka saarayso bishan Febraayo ee aynu ku guda jirno.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AMISOM, waxaa go’aankan la fulin doonaa inta ka horaysa 28ka bishan.

“Waxaa lagu heshiiyey in la fuliyo qorshahan lana saaro ciidamadan,” ayaa lagu yiri qoraal AMISOM ka soo baxay 31kii Janaanyo, 2020

Guddiga go’aanka gaaray waxaa ay intaasi ku dareen in ay xukuumadda dalka ka caawin doonaan sugidda amniga dalka oo ay si wadi doonaan taageerada ciidan ee ay fidiyaan laamaha amaanka dalka.

Heshiiska amni ee London ee 2017 waxaa lagu heshiiyey in sanad walba ay AMISOM 1,000 askari oo ciidankeeda ah ka saarto dalka iyo in dalka loo dhiso ciidan ka kooban 18,000 oo askari oo gacanta ku dhigi kara amniga dalka lana wareegi kara masuuliyadda amni sugid.