Britain oo si rasmi ah uga baxday Midowga Yurub

Dalka Biritan ayaa si rasmi ahaan uga baxday Midowga Yurub kadib markii dadweynaha waddankaasi ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub.

Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowga, waxaana ay tirinayeen ilbidhiqsiyada ka haray wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaaray damaashaad ballaaran dhigay.

Britain ayaa Yurub ku biirtay sannadkii 1973-dii, waxaana sannadihii ugu dambeeyey aad u xoogaystay dadwyenaha reer Britain ee ka biyo-diidsan awoodda Midowga Yurub ee arrimaha gudaha ee waddamada xubnaha ka ah.

UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli doontaa heshiisyo ganacsi oo ku aadan waxyaabaha laga iibsado iyo badeecadaha ay Britain ka soo iibsan doonto dalalka caalamka.

Wixii hadda kahoreeyay looma oggoleyn Britain in ay heshiis ganacsi la gasho dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale, maadaama ay ka mid ahayd Midowga Yurub.

Dadkii taageersanaa ka bixitaanka Yurub ayaa ku doodayay in ay helin doonaa xoriyad ay dal walba kula ganacsan karaan, taasina ay sare u qaadi doonta dhaqaalaha UK.