Cali Xaaji Warsame: Wasiir Goodax Barre yaan lagu mashquulin

Cali Xaaji Warsame, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa ka hadlay hadalkii Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane. Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inaan loo baahneyn in loo jawaabo ama lagu mashquulo hadalkii Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre, balse laga war-suggo Villa Soomaaliya.

“Wasiir Goodax Barre yaan lagu mashquulin, hadalkaas iskama uu oran. C/raxmaan Guulwade Villa Soomaaliya baa u jawaabtey, Wasiir C/raxmaan oo Jaamacadda Ummadda ka hadley RW Kheyre baa ugu jawaabey xil-ka-qaadis. Dooda waxbarashaddu waxay taal @TheVillaSomalia ee aan ka war sugno”.