DEG-DEG: Qarax xoogan oo Muqdisho lagula eegtay Ciidanka AMISOM

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan AMISOM qarax lagula eegtay Isgoyska Ex Kontrool Balcad ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, islamarkaana uu haleelay mid ka mid ah Gawaaridda Ciidanka AMISOM oo wada Mareeyay.

Dadka degaanka ayaa sheegay inuu maqlay jugta xoogan ee qaraxyada, waxaana ay sheegeen in Ciidanka AMISOM qaraxa kaddib ay fureen rasaas, iyagoona daqiiqado kaddib goobta ka dhaqaaqay.

Lama oga khasaaraha Ciidanka Amisom qaraxyadaasi ka soo gaaray.