Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo kulamo ka wada Gaalkacyo (Sawirro)

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku qabtay kulankoodii wacyigalinta iyo la tashiyada dadweynaha kala duwan ee reer Puntland.

Kulanka waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Gobolka Mudane Axmed Muuse iyo xubno ka socda qaybaha bulshada ee Gaalkacyo.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa kulankooda dadweynaha ugu soo bandhiggo qorshe hawleedka geeddi-socodka dimuqraaddiyeynya iyo jadwalka doorashada dowladaha hoose ee Puntland.

Guddiga ayaa socdaal ku maraya gobollada Puntland, gaar ahaan degmooyinka, si loo hubiyo aragtida dadka iyo fahamka hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland.