Guddoomiye Mursal oo kusoo laabtay Muqdisho (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan & wafdi uu hoggaaminayo oo dalka  Burkina Faso uga qeybgalay Shirkii Baarlamaanada Dalalka Islaamka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha aadan caddo xubno kamid ah Baarlamaanka.

Guddoomiye Mursal ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Burkina Faso waxa uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelisay Dowladda Burkina Faso.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaanka.