Heshiis laga gaaray biyo xireenka ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Niil

Dawlada Masar ayaa ku dhawaaqday in heshiis laga gaarayo biyo xireenka wabiga Niil ee ay dawladda Itoobiya ka dhisayso dalkeeda.

Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii ay dawladaha Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay wadahadallo ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Maraykan.

Heshiis qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen sadexdan dal oo laga baahiyay telefishinka qaranka Masar ayaa lagu xaqiijiyay in guul laga gaadhay wadahadalladan uu Maraykanku dhexdhexaadinayay ee looga gole lahaa in lagu soo af meero xiisaddii intii mudo ahba ka dhex taagnayd sadexdan dal.

Wasiirrada khayraadka biyaha iyo arrimaha dibadda sadexdan dal ayaa heshiiskan gaadhay kadib wadahadallo mudo 4 maalmood ah uga socday magaalada Washington ee dalka Maraykanka iyada oo la isku raacay qaabka u haboon ee loo buuxin karo biyo-xidheenkan iyo sidii loola tacaali lahaa hadii ay abaaro ka dhashaan arrinkan oo uu wabiga Niil yareeyo biyihiisa.

Qoraalka telefishinka Masar lagu baahiyay ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiyaal farsamo loo xil saaray dhamaystirka heshiiskan si loo turxaan bixiyo tafaasiishiisa hoose.

Wasiirrada wadahadalladan qaybta ka ah ayaa la filayaa in ay 12-13ka bishan Febraayo ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Washington si loo soo gunaanado heshiiskan la filayo in ay sadexdan dal wada saxiixaan dhamaadka bishan aynu ku guda jirno.

Wasaarrada arrimaha dibadda Masar ayaa xaqiijisay in qoraalka heshiiskan uu diyaariyay Maraykanka ayna xukuumadda Masar tahay dalka kaliya ee saxiixay lana filayo in dalalka kale ay iyaguna saxiixaan marka wadahadalladan la soo af meero.