Puntland oo bilowday baaritaanka Dadka ka imaanaya Dibedda (Sawirro)

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir ee Magaalada Garoowe ka daahfurtay baaritaanka dadka ka imaanaya dibada si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa baaristan ku bilowday Dadka saarnaa diyaarada Ethopia Airline oo dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jamac Farax Xasan, ayaa ka waramay ujeedka iyo qorshaha wasaaradda ee baaritaanka dadka ka imaanaya dalka dibadiisa, isagoona sheegay in baaritaanka ay u saneynayaan si looga taxadaro in cudurka aduunka meelo kala duwan looga sheegay la iskaga ilaalin lahaa.

“Waxaan umahadcelinayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Duulista iyo Garoomada sida ay noogala shaqeeyeen bilaabida baaritaanka aan maanta bilaabayno, waxaan rabaa inaan shacabka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala
duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro in cudurka aduunka meelo kala duwan looga sheegay la iskaga ilaalin lahaa,waxaa wasaaraddu diyaarisay kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diyaarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.”