Trump oo kordhiyay dalalka aysan dadkoodu booqan Karin dalka Mareykanka

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay wadamada muwaadiniintooda laga mamnuucay in ay booqdaan dalka Mareykanka.

Trump ayaa xayiraadan cusub kusoo daray lix dal oo ay kamid yihiin Nigeria, Eritrea, Sudan, Tanzania, Kyrgyzstan iyo Myanmar.

Ku simaha wasiirka amniga gudaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in xayiraadan aysan saamayn doonin dadka dalkaasi ku tagaya fisaha ama dal ku galka aanan ahayn kan muhaajirnimo.

Hase yeeshee muwaadiniinta ay sida wayn u saamayn doonto ayaa ah kuwa dalka Mareykanka tugaya fisaha dalxiis iyo kan ganacsiga.