Akhriso: Dib-u-dhac ku yimid bixinta Baasaboorka Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisey in uu dib u dhac ku yimid bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo horey ay u sheegeen in maanta oo ah 2 Bisha Febaraayo la helayo.

Qoraal kasoo baxey hay’adda Socdaalka ayaa waxaa lagu sheegay in weli howlo farsamo ay ku socoto Baasaboorka Soomaaliya,isla markaana hakintii bixinta Baasaboorka muddo lagu kordhiyey lana gaarsiiyey ilaa 6 Bishaan.

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020 ayaa lagu yiri” qoraalka Hay’adda Socdaalka.

Sidoo kale waxaa ay hay’addu sheegtay inay aad uga xun taahy xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka,waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo.

25-kii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo ayaa War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda Soomaaliya waaa lagu sheegay in muddo todobaad ah la hakiyey bixinta Baasaborka,hayeeshee muddoo kale oo todobaad ah lagu kordhiyey.