DEG-DEG: QoorQoor oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug ee garabka DFS

Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulkaas.

QoorQoor ayaa kusoo baxay wareega kowaad ee Doorashada oo ay ku tartamayeen 4 musharax, isagoona helay 66 Cod oo kamid ah, codadka 77 Xildhibaan oo maanta codeynaysay.

Waa Doorashadii saddexaad oo maalmo gudahood ka dhacday Degaanada Galmudug, waxaa horey Madaxweynayaasha Galmudug loogu cimaamaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan.