Dhaleecayn ka dhalatay Qoraalkii Safiirka Mareykanka ee Doorashada QoorQoor

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadani ayaa kulul u dhaleeceeyay qoraalka Mareykanku uu kasoo saaray Doorashada Axmed Cabdi Xuseen QoorQoor oo maanta Dhuusamareeb loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Siyaasi CC Warsame ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muujisay maanta tuhunkii la qabay ee ku aadanaa inay tahay cida maleegaysa weerarada joogtada ah ee Dowladda Federaalku ku heyso Dowladaha xubnaha ka ah DFS, Dastuurka, Siyaasiyiinta, iyo cid kasta oo diidan nidaamka qalafsan ee Villa Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Siyaasi CC Warsame.

Soomaalida inteeda badan labo arrimood ayaa isku qaban la’a.

1- awood sheegashada Dowladda Federaalka ah iyo itaalkeeda inta uu la egyahay.

2- Sababta ay beesha caalamka uga aamusantahay ku tumashada madaxda dowladdu ku tumanayaan Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada, colaad hurinta beelaha dhexdooda, weerarka mucaaradka, maadaama ay dowladdu ku taagan tahay cududda ciidan ee AMISOM iyo muruqa diblomaasiyadeed ee beesha caalamka.

Tuhun laga qabay dowladda Maraykanka waa jiray, laakiin tuhunkaas maanta ayuu caddaaday.