Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Shacabka Galdogob (VIDEO)

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC), ayaa maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo maamulka Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug.

Guddiga ayaa bulshada Degmada Goldogob usoo bandhigay jadwalka iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta dawladaha hoose ee Puntland.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhowaan bilaabay safar shaqo uu ku marayo gobolada Puntland si dadweynaha loo gaarsiiyo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland, iyo latashiyo ku aaddan arrimahaas.

Guleed Salah Barre, Guddoomiyaha Guddiga Kumeel-gaarka ah dorashooyinka puntland ee TPEC oo sabtidii la kulmay qeybaha kala duwan ee Shacabka Magaalada Gaalkacyo, ayaa ka hadlay muhiimada ay u lee dahay Bulshada Puntland, ka qeyb qadashada hanaanka Asxaabta badan ee hal qof iyo hal cod.