Madaxweyne Biixi: Ciidamada Somaliland waxad ogaataan inay magac doontaan (VIDEO)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay ciidamada Somaliland guteen waajibkii saarnaa, islamarkaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhexdooda ahi keentay inay guulaystaan.