Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray Doorashada QoorQoor

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo maanta loo doortay Madaxweynaha Galmudug ee garabka DFS.

Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.

DHAMMAAD.