Qofkii ugu horeeyey oo cudurka Coronavirus ugu dhintay meel ka baxsan Shiinaha

Ruux qaba cudurka Korona-Feyras ayaa lasheegay in uu ku dhintay dalka Filibiin. Waana ruuxii ugu horeeyay oo qaba feyruskan oo ku dhinta meel ka baxsan dalka Shiinaha.

Bukaanka u dhintay cudurkan ayaa lasheegay in uu ahaa 44 sano jir kaas oo kasoo safray magaalada Wuhaan ee dalka Shiinaha, halkaasi oo ah meeshii ugu horeesay oo uu ka dilaacay feyruskan.

Inkabadan 300 oo ruux ayaa illaa iyo haatan laxaqiijiyay in ay u dhinteen caabuqan, iyadoona in kabadan 14,000 oo ruuxna lasheegay in qabaan caabuqan kuwaas oo ku kala sugan daafaha dunida.