Safiirka Mareykanka oo soo dhaweeyay Doorashada QoorQoor (Akhriso)

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiyo magaaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Amb Yamamoto ayaa ka hadlayey doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay in Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug uu yahay bilowga geedi socodka dib u heshiisiin Sal ballaaaran.

”Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiin sal ballaaran. Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha” .

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Yamamoto uu halmabalyo u dirayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug loo doortay Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), taasoo muujineyso inuu Mareykanka aqoonsaday doorashadii Maanta ka dhacday Dhuusamareeb.