Sheekh Shaakir oo digniin adag kasoo saaray Doorashada ka dhacay Dhuusa-mareeb

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo garabka Ahlu-sunna ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa soo saarey qoraal looga digayo qabsoomida doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb  iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrimihii masiiriga ahaa ee Galmudug ay mugdi sii galayaan, isla markaana dad dano gaar ah leh ay qalalaaso ka wadaand deegaannada Galmudug.

Sidoo kale, Qoraalka Sheekh Shaakir oo loo direy Beesa Caalamka ayaa waxaa lagu ogeeysiiyey in hadii doorasho Maanta ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb dhibaatada ka dhalata ay mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.