Xaaf oo ka hadlay Doorashada ka socota Dhuusa-mareeb

Madaweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb ay tahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana ay tahay mid la dhoodhoobey.

Madaxweyne Xaaf oo Saxaafadda kula hadlayay Gaalkacyo ayaa sheegay in doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid lagu doortey Axmed Baasto oo mar sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Ugu dambeyntii, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dad ka Sahqeeya Xafiisyadooda ay ka soo aruuriyeen Magaalada muqdisho,isla markaana ay kamid noqdaan baarlamaana galmudug.