Xarunta la socoshada saadaasha Hawada oo laga hir-galiyey Garoowe (Sawirro)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland, ayaa xarunteeda dhexe ka dhistay Saldhig cusub oo lagula soconayo Saadaasha hawada gaar ahaana Roobabka, Cimilada, heer kulka iyo ka digista hadii ay jiraan isbedelo laga baqayo oo dhanka Cimilada ah.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo xaruntan si rasmi ah u furay ayaa sheegay in ay xaruntani qayb ka qaadan doonto Saadaasha iyo lasocodka cimilada, isagoo sheegey in xogaha ay xaruntu soo saarto la gaarsiin doono dhamaan xarumaha dawlada iyo guud ahaan bulshada Puntland.

Xaruntan cusub ee la socoshada Saadashada Hawada, ayaa ah tii afaraad ee laga hirgaliyo Degaanada Puntland, waxaana ay qeyb ka tahay dadaalo ay mudooyinkii ugu dambeeyey waday Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo lagula soconayey isbedelka cimilada, islamarkaasna bulshada lagu gaarsiinayey isbedelka ku imaan kara cimilada iyo Cimilo-gooreedyada oo marwalba isbadalaya, sida uu sheegay Wasiir Ismaaciil Diiriye Gamadiid.